Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Muqdisho oo Xalay looga Dabaaldegay Munaasabadda 1-da Luulyo
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:323
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:146
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:118
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:458
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 01 2008
Muqdisho oo Xalay looga Dabaaldegay Munaasabadda 1-da Luulyo
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 01 July 2008

Moqdisho,(insidesomalia.org)- Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa xalay waxaa lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay 1-da Luulyo oo ku beegan markii ay Gobollada Koofureed Xornimada ka qaateen Gumeystihii Talyaaniga, isla markaana ay midoobeen Gobollada Koofur iyo Waqooyi ee Soomaaliya.

Hal Munaasabad oo ka dhacday Xaruntii Gaadiidka Booliska ayaa lagu maamuusay munaasabaddaas, waxaana halkaas isugu tegay mas’uuliyii ka socday labada Gole ee Dowladda Federaalka iyo weliba Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiintii halkaas isugu tegay ayaa markii ay cabaar ka hadleen halgankii xornimada loo soo maray ayaa waxaa markii la gaaray 12-kii Saqda dhexe waxaa la saaray Calanka Soomaaliya, iyadoo dhinaca kalena ay Heeso wadani ah ka qaadayeen Fannaaniin Soomaaliyeed.

Ma jirin meel kale oo Muqdisho ku taala oo xalay looga dabaal-degay Munaasabadda 1-da Luulyo, waxaana taasi ugu wacnaa amni darro ka jirta Magaalada Muqdisho oo aan saamaxeynin in ay dadka isu soo baxaan, isla markaana ay u xafladeeyaan Munaasabadda 1-da Luulyo.

Waxaa xusid mudan in intii ay Xafladda ka socotay Xaruntii Gaadiidka Booliska ee Degmada Cabdi Casiis ay Madaafiic Hoobiyayaal ah ku dhaceen Xaafadda Geedoole, iyadoo la sheegay in madaafiicdaas ay ahaayeen kuwo loola dan lahaa in lagu weeraro Xarunta Gaadiidka Booliska ee ay ka dhaceysay xafladda lagu maamuusayay 1-da Luulyo.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >